Somalia

Golaha Aqalka sare oo Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka

Balcad - 26 min 4 sec fa

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee xildhibaannada ee Golaha Aqalka sare ay Maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ahaa ajandaha  Aqrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qyb gashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyadoo fadhiga guud ee Aqalka sare ay ku sugnaayeen 31, xildhibaan.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Diinta iyo Awqaafta iyo Xuquuqul Insaanka ee Aqalka sare, Sanetor, Samsam Ibraahim Cali, ayaa xildhibaannda Aqalka sare ka codsatay in la dadejiyo  Dhismaha Sharciga hay’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah Dadka uu Lixaadkooda dhammaystirnayn.

Guud ahaan Xildhibaannadii ku sugnaa Fadhiga ayaa isku raacay in la meel mariyo sharciga Dadka naafada ah, iyadoo cod Gacan taag ah lagu axsixiyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka  , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa u mahad celisay guud ahaan Xildhibaannada Golaha Aqalka sare sida ay u dadejiyeen sharcigan, kaas oo ay horay u soo meel mariyeen xildhibaannada golaha Shacabka.

Categorie: Somalia

Baarlamanka Ingiriiska Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Raysal Wasaare Theresa May.

Somaliland Today - 1 ora 20 min fa

(SLT-London)Ra’iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa wajaheysa olole codka kalsoonida loogala laabanayo oo ku aadan hoggaamiyanimadeeda.

Xubnaha Xisbiga Conservative ayaa u codeyn doona maqribki illaa fiidnimada caawa ee xilliga London.

Mrs May ayaa loolan la kulmeysay oo ku saabsan kursigeeda, iyadoo dhowaan ku fashilantay qorshihii Britain uga bixi lahaa Midowga Yurub iyo wada xaajoodyadii ay waday.

Theresa May ayaa Ra’iisul Wasaare noqotay, markii cod loo qaaday in Britain ka baxdo Midowga Yurub sanadkii 2016.

Waxaa ay wajaheysay dhaleeceyn xisbigeeda oo ku saabsan qorshihii looga bixi lahaa Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare May ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadasho loolanka ay la kulmeyso iyo codka loo qaado doono.

Lama oga sida ay noqon doonto natiijada, waxaana codka uu noqonayaa mid qarsoodi ah oo sanduuq ah, iyadoo ay u baahan tahay inay hesho aqlabiyad, si ay uga badbaado in codka kalsoonida loogala laabto.

Categorie: Somalia

Kooxda Al-shabaab Oo Dad Ku Toogatay Meel Fagaare Ah.

Somaliland Today - 1 ora 45 min fa

(SLT-Shabeella Hoose) ararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toogteen saddex ruux oo ay sheegeen in labo ka mid ah ka tirsanaayeen ciidanka dowladda iyo nin kale oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggan ku riday xukun dil ah, iyadoo shalay gelinkii dambe lagu toogtay fagaare ku yaal deegaanka Mubaarak.

Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, kuwaasoo ka tirsanaa ciidanka dowladda, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ah uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Al-Shabaab ayaa horay deegaanada ay maamulaan ka fuliyay toogasho dad ay sheegeen inay basaas u yihiin sirdoonada shisheeye, dowladda Federaalka iyo dalalka deriska ah.

Categorie: Somalia

Khilaafkii Madaxda Dalkaasi Soomaliya Oo Wali Taagan.+Wararka Shir Doceedyo Wali Socda.

Somaliland Today - 1 ora 52 min fa


(SLT-Muqdisho)Waxaa ilaa xalay kulamo gaar gaar ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hadlayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Kulamada ka dhacay Villa Somalia ayaa xooga lagu saaray sidii loo xalin lahaa mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xalinta arintaan ku biiray siyaasiyiin xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay.

Kulamada ugu badan ayaa u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ah ee baarlamaanka ku jiro, waxaana loo xilsaaray qaarkood kala furfurida xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.
Warar radio lugo badan heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanada sida adag ugu taagan mooshinka ay gaarayaan ilaa 50 xildhibaan inta kalana ay yihiin kuwo aan la isku haleyn karin, sida xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen.

Xildhibaanada sida adag mooshinka u riixaya ayaa sheegay in xildhibaanada sheegay in laga been abuuray magacyadooda ay ka baqeen caga jugleyn lagu sameeyay, balse aysan jirin cid ka been sheegtay.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa dhankooda kulamo kala duwan yeelanaya, waxaana ay ka tashanayaan sidii aan loo kala dhantaali laheyn, waxaana ay doonayaan in dood adag laga yeesho mooshinka.

Kulamada kala duwan ee isdiidaya ayaa sii kordhin kara xiisadda ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaase wali socda kala xodxodashada xildhibaanada baarlamaanka.

Categorie: Somalia

Nin Hubaysan Oo Dad Ku Laayay Faransiiska Iyo Wararkii U Danbeeyay

Somaliland Today - 1 ora 57 min fa

(SLT-Paris) Laba  qof ayaa dhimatay, 11 kalana waa ay ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Strasbourg ee bariga dalka Faransiiska, booliska ayaa sidaasi sheegay.


Nimanka hubaysan waa ay badanyihiin, ayay intaasi ku dareen boolisku.

Toddobo ka mid ah dadka uu dhaawaca soo gaary ayaa la sheegay in ay xaaladooda ay aadc u liidato.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fransiiska ayaa dhacadada ku tilmaamay xaalad amni darro ah waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan.

Toogashada ayaa la sheegay in ay ka dhacday meel u dhaw suuq looga dukaameeysanayay agabka loogu tala galay ciidda masiixiyiinta.

Saraakiisha amniga ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay.

Peter Fritz oo goob jooge ahaa ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlayay dhawaqa rasaasta uuna arkay qof la toogtay oo yaalla buundada. Waxa uu yiri waxaan isku dayay in aan soo badbaadiyo balse mayd ayuu ahaa.

Warar qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in Saddex qof ay dhinteen.

Weriye maxalli ah oo lagu magacaabo Bruno Poussard ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu maqlay raas badan oo lagu furay waddadii uu ku sugnaa- waxa uu yiri markii hore 1ama laba xabadood ayay ku bilaabatay kadibna baas ayay isku bedeshay.

Categorie: Somalia

Liverpool Oo U Soo Baxday Wareega 1-6 Ciyaaraha Yurub Iyo Tottenham Oo Wacdaro Dhigtay.

Somaliland Today - 2 ore 3 min fa


Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa Barcelona la soo gashay barbaro 1-1 ah si ay ugu soo baxdo wareega 16ka UCL taas oo keentay in Inter Milan ay ku dhacday tartanka laabad ee Europa league.

(SLT-Barcelona)Liverpool ayaa si laayableh ugu soo baxday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League kadib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda Napoli kulan cajiib ah ahaa oo ay Reds min bilaw ilaa dhamaadkii awooda sare lahayd balse ay fursad lumin aan la rumaysan karin soo bandhigtay.

SHIXIHII BARCELONA VS TOTTENHAM:

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kyle Walker-Peters, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Christian Eriksen, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane

Kaydka: Paulo Gazzaniga, Olver Skipp, Eric Dier, Ben Davies, Lucas Moura, Fernando Llorente, Erik Lamela..

BARCELONA (4-3-3): Jasper Cillessen; Nelson Semedo, Juan Miranda, Clement Lenglet, Thomas Vermaelen; Arthur, Ivan Rakitic, Carles Alena; Coutinho, Ousmane Dembele, Munir El Haddadi.

Kaydka: Lionel Messi, Sergio Busquets, Arturo Vidal, Jordi Alba, Gerard Pique, Denis Suarez, Marc-Andre ter Stegen.

Daqiiqadii 7 aad Ousmane Dembele ayaa gool cajiib ah oo uu si shaqsi ah uga shaqaystay ku burburiyay difaaca Tottenham isaga oo markale muujiyy sida aan loo joojin karin marka uu xaalad fiican ku jiro wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo Tottenham tuurtay oo ay Barca iska soo saartay.

Dembele oo markii hore si sahlan u garaacay ayaa si sahlan ku garaacay Walker-Peters laakiin qaabka uu kubbada ula orday iyo sida uu ciyaartoyda Tottenham u wareeriyay ayaa qurux gaar ah goolkan u sii yeeshay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka ku qabtay.

Tottenham ayaa dagaal wayn u gashay sidii ay ciyaarta ugu soo alaban lahayd halka Barcelona ay wali raadinaysay qaabkii ay goolal kale ku keensan lahayd.

Fursadii ugu fiicnayd ee Tottenham waxaa qasaariyay Son laakiin Coutinho ayaa dhamaadkii qaybtii hore helay fursad uu Tottenham ku sii niyadjabin lahaa balse fursad cajiib ah oo uu helay ayay birtu ka beenisay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay laakiin Tottenham ayaa bandhig fiican oo ay niyadsami ka heli kartay kala soo muuqatay Camp Nou.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo Tottenham wali u baahnayd in ay badbaadiso rajadeeda Champpions League.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Tottenham ayaa si wayn ugu dagaalantay in ay barbaraha keensato maadaam oo ay ku soo bixi karaysay.

Daqiqiadii 85 aad Tottenham ayaa ugu danbayn keensatay goolka barbarhaa ee ka caawiyay in ay ugu so baxdo wareega 16ka kooxood ee Champins League iyada oo Lucas Moura uu goolkan u saxiixay Spurs.

Lucas Moura ayaa noqoday geesiga Tottenham u soo saaray wareega 16ka Champions League kadib markii ay Tottenham barbaro la soo gashay Barcelona isla markaana ay Inter Milan barbaro 1-1 ah la gashay kooxda PSV.

Ugu danbayn Barcelona iyo Tottenham ayaa barbaro 1-1 ah galay taas oo Inter Milan daaqada ka turutay kadib markii ay awoodi wadyay in ay dhaafto kooxda PSV

Categorie: Somalia

Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Magaalada Garbahaarey

Balcad - 5 ore 5 min fa

Taliyaha Qaybta 43-aad ee xoogga dalka S/Guuto Cali Maxamed Maxamuud iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Socdaalka Taliyaha ayaa la sheegay in ay tahay mid lagu dar-dargelinayo hawlgalada ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab kaas oo ciidanku ka wadaan gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Gedo iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweeyey Taliyaha qaybta, waxaana ay ka wada hadleen sidii gobolka Gedo looga nadiifin lahaa maleeshiyada Al-shabaab, dadka deegaankuna ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgalada socda.

Categorie: Somalia

Somalia piracy: How foreign powers are tackling it

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 22:22

Foreign navies have played a key role in curbing piracy off Somalia’s coast, writes the BBC’s Anne Soy.

On a beach in Hordeia on the northern coast of Somalia, I asked a former pirate what attracted him to piracy in the first place.

The man, who wanted to remain anonymous, told me he was originally a fisherman and that was his main source of income but things changed when an illegal trawler destroyed his net.

“I had a boat and a net on it, then a trawler cut our fishing nets and pulled them away. I was left with an empty boat,” he recalled.

He and a fellow fisherman tried to shout and call the trawler crew, but it was in vain. It angered them.

“They passed over our nets and pulled them away. Our fishing equipment was destroyed.”

In the second half of the last decade what began as a defensive act against big trawlers, quickly morphed into a lucrative illegal business that raised global concern.

As he and other fishermen lost their trade, they turned to piracy, hijacking ships and passengers for ransom.

Dramatic cliff

It also drew in former militiamen who fought with warlords during Somalia’s long civil war.

I wanted to know more about his days as a pirate but he became unsettled and ended the interview abruptly.

What appeared to make him uneasy was a Spanish Special Forces soldier who had wandered over.

Security around the beach was tight as a helicopter hovered in the sky. The helicopter was part of the European Union Naval Force (EUNavfor).

BBC

Categorie: Somalia

Wasaaradda kaluumeysiga XFS oo biloowday bixinta ruqsadaha kaluumeysi ee badda Soomaaliya

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 19:50

Munaasabadaan Taariikhiga ah oo hadafkeedu ahaa daahfurka bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badweynta Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Wasiirada Kaluumeysiga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO.

Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay Ayaa sharaxay heshiiskaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, wuxuuna dhinaca kale fariin u diray maraakiibta sida sharci darada ah uga kallumeysta badaha Soomaaliya.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in heshiisyadaan laga dhaxli doono shaqo abuur iyo dhaqaalaha dalka oo kobca .

Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo daahfuray mashruuca  ayaa sheegay in arrintaan ay cadeyn u tahay horumarka uu dalku ku tilaabsanayo, wuxuana intaa ku daray in daqliga mashruucaan kasoo xarooda lagu shubi doono bangiga dhexe ee dalka.

Wasiirka kaluumeysiga ayaa ugu dambeyn warqado ruqsado ah u saxiixay shirkado ka socday dalka China, kuwaas oo soo buuxiyey dhammaan  shuruudihii laga rabay, arrintaana waa  guul kale oo taariikhi ah oo ay gaartay dawladda Soomaaliya maadaama heshiiskaan uu soo afjarayo marakiibta iyo doomihii sida sharci daradda ah uga kaluumeysan jiray baddaha Soomaaliya.

Categorie: Somalia

The Mayor of Mogadishu Welcomed the New Ambassador of Turkish to Somalia

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 19:40

Mogadishu:-The Mayor of Mogadishu and the Governor of Banadir Region H.E Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisow) met in his office with the new ambassador of Turkish Government in Somalia H.E Mehmet Yilmaz to appreciate the brotherhood relation between Somalia and Turkey.

First and foremost the Mayor of Mogadishu welcomed warmly to the new ambassador of Turkish Government in Somalia and explained to him the long and ancient history of Mogadishu and mentioned the importance of strengthening the traditional relations between both communities.

“Our relation with Turkey is very significant to our people for that Mr. Ambassador we are welcoming you in Mogadishu, your second country, and we hope your presence in Somalia to do more for Somalia” quoted the Mayor of Mogadishu.

Also the Mayor of Mogadishu underlined that Somali People will never forget, what the Turkish Government did for support and aid assistance to Somalis for the past years, and we thank you very much for your consecutive support in our country to move forward.

The new ambassador of Turkish Government in Somalia H.E Mamet Yilmaz promised to keep going to support Somalia and mentioned the importance of accelerating the unconditioned support from his country to Somalia.

Categorie: Somalia

Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Dalka Soomaliya Cabdi Xaashi Oo U Guntaday Xalinta Khilaadka Farmaajo Iyo Baarlamaanka

Somaliland Today - Mar, 11/12/2018 - 17:43
(SLT-Muqdisho) Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dalkaasi Soomaliya ayaa u guntaday sidii uu isugu soo dhawayn laha Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiyaha golaha shacabka oo khilaaf xoogani u dhaxeeyo. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa hada kulan waxaa uu la qaatay  Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha  ee maalmo ka hor Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 7B7C8F15-D68C-4FF2-A44C-0F2CB5DAF547 Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa qeyb ka ah kulanka hada socda. Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya Xaalada adag ee xiligan uu wajahay Dalkaasi Soomaliya taas  oo u dhaxaysa  Madaxda ugu sareysa Dowlada  Soomaaliya.
Categorie: Somalia

IMF: “Soomaaliya waddadii loo baahnaa ayay ku socotaa”

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:42

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hey’adda IMF, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hey’adda ay gaaareen heshiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka barnaamijka Soomaaliya.

Warbixintaan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee hey’adda lacagta aduunka(IMF) ayaa lagu yiri

Masuuliyiinta Soomaaliya iyo Hey’adda lacagta aduunka ee wada hadlay waxa ay gaareen hashiis lagu dhameestirayo dib u eegistii koowaad ee wajiga sadaxaad ee kooxda la socodka Barnaamijka Soomaaliya (SMP3)

Masuuliyiintu  waxa sii wadeen qorshahooda hirgalinta cabirka dib u eegsita kaasoo taageeraya waajib gudasho lagu qanci karo, iyada oo loo marayo wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta Soomaaliya ( SMp3)

Hey’adda lacagta aduunka waxaa ay raja weyn oo ku aadan dhameystirka wajiga sadaxaad ee barnaamijka Kooxda la socodka Soomaaliya (SMP3), iyo in Soomaaliya u dhaqaaqdo barta go’aan qaadashada deemaha markaasoo la eegayo hal abuurka waddamada faqriga ah ee deemaha galay ( HIPC Initiative)

Kooxda hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) oo uu hogaaminayay Maxamed Alxaaji ayaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay masuuliyiinta Soomaaliya 1dii ilaa 6dii  bishaan December waxay isla garteen ka gudbida wajiga koowaad ee Barnaamijka 12 bilood ee la socodka Soomaaliya oo soo biloowday May 2018 kuna eg bisha April 2019

Dhammaadka booqasha Kadib waxa uu madaxii wafdiga Alxaaji uu yiri

“Doodii mira dhalka aheed ee wada yeesheen kooxda IMF iyo masuuliyiinta Soomaaliya waxa ay ku heshiiyiin dhameestirka dib u eegsiiti koowaad ee wajiga sadaxaad ee barnaamijka deen cafinta, hashiiska waa inuu saxiixa agaasimaha maamulka IMF oo aan ka rajaynayno inuu tixgaliyo warbixinta kooxda ee dib u eegista koowaad ee barnaamijka la socdka Soomaaliya heerkiisa sadaxaad horaanta 2019

 Dhaqaalaha Soomaaliya

“ Dhaqaalaha waa uu soo kabanayaa sanadkaan 2018 abaaro waddanka halakeeyay sanadihii 2016/2017 kadib roobka oo sidii la rabay u da’ay waxa ay xoojisay soo kabashada dhaqaalaha si gaar ah Beeraha iyo Xoolaha, tani waxa ay suurata galisay maciishadii cuntada oo aad u kacsaneed inay hoos u soo dhacdo, howlaha la xiriira dhismaha, ganacsiga , isgaarsiinta iyo qeybaha adeegyada oo kordhay waxaana la rajaynayaa inay joogta ahaadaan.

Natiijada dakhliga gudaha ka yimaada iyo sicirka

Dakhliga gudaha dalka Soomaaliya waa uu kordhay 3.1 marka loo eego sanadkii hore oo uu ahaa 2.3, sicirka ayaa hoos u dhacay 3.5 2018 halka sanadkii 2017 uu ahaa  5.5.

Si guud marka loo eego daqliga gudaha sanadkaan 2018 ilaa bishii September aad ayuu daqliga u kordhay marka loo eego lacagta soo xarootay waxaana ku jirtay 8 milyan oo doolar oo dheeri ka ah daqligii la filayay  September, ilaa bishii june daqliga waxaa ku korortay 2.3 milyan oo doolar waxaana muujinaysa si xooggan ee uruurinta daqliga gudaha.

Masuuliyiinta Soomaaliya

“Masuuliyiinta Soomaaliya waxaa ka go’an gaarida  qorshaha fog ee soo kabashada qaranka iyo ujeedooyinka hormarka, waxa ay kor u qaadeen dadaalooda diyaarinta qorshaha sagaal ee hormarinta Qaranka (NDP9) kaasoo lagu dhisayo qorshihii sideedaad (NDP8)  oo loogu talagalay 2017 ilaa 2019, masuuliyiinta ayaa ugu talagalay in looga shaqeeyo aas aaska  qoraalka ku meelgaarka ah ee qorshaha yareenta faqriga (I-PRSP)  qoraalkani waa mid sheegaya hiigsiga hormarinta Soomaaliya, caqabadaha iyo shuruudaha maal galinta. Tani waxa ay bixinaysaa nuxurka maal galinta loo baahan yahay iyo taageerada deeq bixiyayaasha sidoo kale daneeyayaasha inay ka qeyb galaan heerarka oo dhan.

Inkastoo xaalad adag jirto hadane hannaanka uu ku socdo SMP waa mid xooggan, kooxda IMF waxaa soo dhaweynayaan sida ay uga go’an tahay masuuliyiinta Soomaaliya hormarinta hannaanka canshuur qaadista 2018 iyo in la sii balaariyo canshuuraha 2019 iyada oo la hubinayo habka loo bixinayo lacagaha.

Kooxda waxaa soo jeediyeen wadiiqooyin lagu xoojinayo maamulka maaliyada dalka waxaana ka mid ah  hubinta lacagaha la bixinayo iyo in la yareeyo lacagaha gacanta lagu bixiyo cash-ka ah, iyadoo loo marayo hormarinta daqli bixinta, joogteynta dadaalada gaarida in daqliga dhan lagu shubo hal qasnad ama account iyo sii wadida hormarka laga sameynayo nidaamka maaliyada ee federaalka ku  dhisan.

Masuuliyiinta waxay hormar ka sameeyeen hirgalinta talaabooyinka taageeraya sameynta lacagta cusub, kooxda IMF waxay taageerayaan dadaalada masuuliyiinta Soomaaliyeed  ee sii wadida in la hubiyo in deeq bixiyayaasha ay maal galiyaan mashruuc dib u habeynta lacagta waddanka.

Kooxdu waxa ay muujiyeen si ay muhiim u tahay xowliga hirgalinta dib u eegista hey’adaha dhaqaalaha, oo ku xeran ahmiyad siinta qaabeynta bangiga dhexe, iyo maamulada lacagaha mobile ka la isaga diro, dhinaca kale in la sii wado hormarinta bangiyada ganacsiga iyo kuwa bangiyada rasmiga aan aheyn, waxaa jirta baahi la xiriirta xoojinta awooda qeybta ruqsad bixinta iyo la socoshada.

Waxa ay dhiira galiyeen sida madaxda Soomaaliyeed ay u joogteeyeen doorkooda dib u eegista, marka lagu guura 12 bil ee ugu horeysay ee Barnaajika kooxda la socodka soomaaliya tan 2016 ilaa 2018 sidaa si la mid ah sida ay uga soo baxeen wajiga sadaxaad ee barnaamijka kooxda la socodka Soomaaliya, xooga iyo awooda qorshaha ka go’naanta leh ee Dowladda federaalka Soomaaliya waa mid xoogeysanaya. Waxaana raja fiican ka qabnaa inay ka soo baxdo shuruuda wajiga sadaxaad ee deen cafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri warbixinta.

Hey’adda lacagta aduunka waxa ay sheegtay inay diyaar u tahay sii wadidad taageeraha ay la garab taagan tahay qorshaha dib u habeynta maaliyadda iyo hormarinta iyada oo siinaysa caawin farsamo iyo tababaro la xiriira 1 diyaarinta miisaaniyada iyo maamulidiisa, 2 maamulka maaliyada dalka oo ay ku jirto lacagta, bixinteeda iyo maamulka deenta 3 qorshaha caanshuuraha iyo maamulkooda 4 Akoonada Qaranka iyo tirakoobka dhaqaalaha.

Inta lagu jiray kooxda booqashooda waxaa ay la kulmeen Wasiirka maaliyadda Dr Beyle iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiin waxaa kale oo kooxda la kulmeen deeq bixiyayaasha si gaar gaar ah iyo si guud iyaga oo war bixin ka siiyay halka uu marayo Barnaamijka deen cafinta.

Categorie: Somalia

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay warbixinta hay’adda IMF

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:40

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si aad ah u soo dhaweeyay waxbixinta ay soo saartay hay’adda lacagta aduunka(IMF), taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in si run ah ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay horay u sii socoto, isagoo soo dhaweeyay warbixinta IMF ee la xiriirta barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3), wuxuuna intaa ku daray in tani ay calaamad u tahay go’aanada iyo dadaalada  mira dhalka ah ee Soomaaliya ay ku talaabsatay mudadii koobneyd.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka sii shaqeyn doonto dadaalka ay ugu jirto hagaajinta hanaanka maaliyeed ee  dalka si bulshada loo gaarsiiyo guulo horumarineed.

Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo lagu daabacay boggeeda rasmiga ah, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hay’adda ay si wada jir ah u  gaaareen heshiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga saddexaad ee kooxda la socodka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, islamarkaana waxay bogaadisay dowlada Soomaaliya oo ku guuleystay kobaca dhaqaale iyo hanaanka maamul wanaaga iyo islaxisaabtanka.

Categorie: Somalia

Guddiga Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Xaquuqul Insaanka ee Aqalka sare oo kulan la qaatay Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:36

Kulankaan oo ay wada qaateen Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee  Golaha Aqalka Sare iyo golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa  mid la isaga xog wareysanayay aragtida ay ka qabaan dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo hadda horyaala  golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha naafada Qaranka  Soomaaliyeed Sayid Cali Cabdullahi Salaad  ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga talo galinayey dhismaha  guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo ku saleysan baahiyaha Dadka Naafada ah ee Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Xoghayaha  Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee  Golaha Aqalka Sare  Senator  Cismaan Axmed Macoow   oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shircigaan ay fududeyn doonaan ansixintiisa, maadaama Faa’iido badan ay ugu jirto  golaha naafada Qaranka.

 

Categorie: Somalia

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo daah-furay Shir sanadeedkii Labaad Haweenka Xildhibaanada ah ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad goboleed

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:33

Shir Sanadeedkii  labaad ee Haweenka Xildhibaanada ah ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed ayaa maanta ka furmay Magaaladda Muqdisho, waxaana  daah furay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Shirkaan oo socon doona muddo seddex maalin ah ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa arrimaha  mudnaanta  u leh Haweenka, dib u eegista dastuurka qodobada la xariira xaquuqda haweenka iyo sameynta sharciyada xaquuqda haweenka badbaadadooda iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha Xildhibaanada Haweenka ah ee golaha shacabka Xildhibaan Mina Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada Haweenka ee golaha aqalka sare Senator Shukri Aadan ayaa waxay sharaxeen ahmiyadda shirkaan iyo waxyaabaha la filayo inay kasoo baxaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dheeraaday doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo ugu baaqay in Xildhibaanada haweenka ah in waxyaabo dan u ah ay dalka ay ka soo saaraan shirkaas.

 

Categorie: Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Waddanka Waddadii Burburka yaanan dib loogu celin”

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:31

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa wuxuu sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin.

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii bur-burka.

Categorie: Somalia

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Kulan sagootin ah u sameeyay Wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee Dalka Suudaan

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:29

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa kulan sagootin ah ugu Sameeyay Magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeynka Jaamacadda Africa ee ku taala dalka Suudaan, kulanka sagootinta loogu sameynayay Gudoomiya ku Xigeynka Jaamacadda Africa ee Dalka Suudaan ayaa waxaa joob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gudoomiyaha jaamacadda ummadda Maxamed Axmed Jimcaale,Guddoomiyaasha Jaamacadaha Muqdisho, Simad iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii leesaga kaashan lahaa kor u Qaadista waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada XFS,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa Dowladda Suudaan ugu mahad celiyay sida markasta ay u garab taagantahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

‘’ waxaan kulan sagootin ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho, gudoomiyaha jaamacadda Africa ee dalka Suudaan Dr Muuse.

Kulankan waxaan  uga wada hadalnay,xoojinta xiiriika dhanka waxbarashada,iyo sidii aan isaga kaashan laheyn horumarinta waxbarashada.

“Dowladda Suudaan waxay  ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho  siiyay dalkeenna, xaiirka ka dhaxeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan waxa ay leeyihiin xiriir qoto dheer, oo ku saabsan  dhaqanka iyo diinta, dowladda Suudaan iyo shacabkeeda markii ay baahida dhabta ay jirtay waxa ay natusiyeen in ay garabkeena taagan yihiin mana ilaabi doono, doono sidaasi waxaa yiri Wasiirka waxbarashada XFS, mudane Cabdullaahi Goodax Bare.

Gudoomiyaha Jamacadda Africa ee dalka Suudaan ayaa ka hadlay horumarinta dhanka waxbarashada oo ay ku talaabsatay Dowladda Soomaliya waxa uuna sheegay in ay xoojin doonaan kor u qaadista waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hoowlan horumarinta waxbarashada dalka.

Categorie: Somalia

Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:27

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto.

Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisa siiyo Soomaaliya.

Categorie: Somalia

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay tababarka dambiyada Abaabulan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Balcad - Mar, 11/12/2018 - 17:25

Muddo labo maalmood ah oo uu soconayo tababarkan ku saabsan ka hortagista dambiyada abaabulan ee isaga gudba Xuduudaha ayaa ka qeybgalayaasha oo ka kala socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ,Ciidanka Boliiska, Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo shirkadaha ka shaqeya arrimaha Duulimaadyada waxa ay ku baranayaan sida dambiyada abuubulan wax looga qaban karo iyadoo dhincyada ay quseyso ay sameynayaan iskaashi iyo wada shaqeyn.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornel Maxamed Aadan Koofi ayaa ka sheegay furitaanka tababarkan in dambiyada abaabulan ka hortagistooda ay muhiim u tahay jiritaanka qaranimada iyo  dowladnimada isagoo xusay in hadaba ay jiraan talaabooyin dambiyadaas lagu xakameynayo oo hore loo qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa balan qaaday in Boolisku xooga saarayaan wax ka qabashada dambiyada abaabulan oo dhib weyn ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in xal u helista dambiyadan marwalba ay ku xiran sida loo dhameystiro sharciyada lagu xakameynayo falalka dambiyada Abaabulan ah, wuxuuna ugu baaqay Xukuumada iyo Barlamanka inay dadajiyaan meel marinta sharciyadaas.

Waaiirka Amniga Gudaha Gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo furay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan dhaqangalinta waxyaabaha ay bartaan iyo islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta Hay’adaha ku shaqada leh.

Dambiyada abaabulan ee ee isaga gudba xuduudaha iyo Airaporada oo Soomaaliya inta badan ka dhaca ayaa waxaa kamid ah Tahriibinta, ka ganacsiga maandooriyaasha, lacagta la dhaqo, waxaana Dowladda Federaalka ah ay wadaa dadaalo lagu xakameynayo falalkaasi dambiyada abaabulan ah.

Categorie: Somalia

War Deg-deg: Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eritrea Oo Maalinta Bari Ah Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

Somaliland Today - Mar, 11/12/2018 - 16:46
(SLT-Muqdisho)-Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay soo gaadhi-doonaan magaalada Muqdisho.

booqasho-1

illo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki. Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar . Sooyaalka Heshiisyada dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea: 1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan. 2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018
Categorie: Somalia